Somali News

Ururka IGAD oo ka hadlay heshiiskii Dowladda iyo mucaaradka

War saxaafadeed ka soo baxay IGAD  ayaa lagu soo dhaweeyey heshiiskii ka koobnaa lixda qodob ee ay gaareen xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, kaas oo lagu cadeeyey in xukuumaddu raali gelin ka bixisay, guddi baarana loo saaray wixii 19-kii bishan Febraayo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale heshiiskaas waxaa lagu cadeeyey in dib loo dhigay banaanbixii ay midowga musharaxiintu u qorsheeyeen inuu dhaco  maanta oo jimco ah, iyadoona arrintan ay si weyn u soo dhaweysay urur goboleedka IGAD.

“Urur goboleedka IGAD waxay si diiran usoo dhawaynaysaa heshiiskii ay xalay  ku dhawaaqeen  Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, madaxda Galmudug, HirShabelle iyo Benaadir iyo sidoo kale Golaha Midowga Musharixiinta, waxayna bogaadinaysaa kuna tilmaamaysaa heshiiskaasi tallaabo dhanka wanaagsan loo qaaday, ayadoo ku tilmaamaysa mid u adeegaya danaha Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool Muqdisho iyo Soomaali oo dhan, waxaan ku baaqaynaa in la sii wada wadahadalada sida dalka ay ugu dhacdo doorasho” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay IGAD