Somali News

Ururka Xamaas oo sii daayay qaar kamid Maxaabiista u dhashay Israel

Xilli uu dhaqan galay heshiiska xabbad joojin afar maalmood oo ay gaareen Israa’iil iyo Xamaas ayaa waxaa labada dhinac ay bilaabeen fulinta heshiiska.

13 la haystayaal Israa’iiliyiin ah ayaa la sii daayay, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil, waxaana sidoo kale la sii daayay 12 qof oo u dhashay dalka Thailand.

Heshiiska waxaa ka mid ah sii deynta tobanaan la haystayaal ah oo ay haysteen Xamaas iyo Falastiiniyiinta u xiran Israa’iil.

Sidoo kale, Heshiiska xabbad joojinta ayaa xilli xaalad adag oo nololeed ay wajahayaan 2.3 milyan oo Falastiiniyiin ah kuwaasi oo ku sugan Qaza.