Somali News

W/Gargaarka:-Masuul iska casilay xilkiisii

Muqdisho-KNN-Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in uu iscasilay Xoghayihii joogtada ahaa ee wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka mudane Maxamed Cumar Macalin.

Xoghayaha ayaa sheegay inuu xilka uga tagay duruufo soo wajahay owgood inkasta oo uusan sheegin waxa ay yihiin duruufahaasi.

Wararka ugu badan ayaa waxa ay sheegayaan in iscasilaadda Agaasimaha ay salka ku heyso dhawaan xarigii loo geystay, Agaasimaha qeybta dib udajinta barakacayaasha Daahir Maxamed Nuur oo loo xiray arimo musuq la xiriira.

Agaasime waxeedka ayaa wali xiran, arintiisana gal dacwadeed ayaa laga furay, dowladda ayaa dhowrkii isbuuc waxa ay xabsiga dhigtay masuuliyiin loo heesto arimo wax isdabamarin ah.