Somali News

W/Warfaafinta oo sheegtay in la dilay rag dhawaan Muqdisho dil ka geystay

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maanta ciidamada amaanka ay Magaalada Muqdisho ku dileen rag Shabaab ka tirsanaa.

Ragga la dilay ayaa Wasiirku waxaa uu ku sheegay in ahaayeen raggii dilay Allaha unaxariistee nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo dhoowr maalmood kahor lagu dilay meel ku dhaw Isgooyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Wasiir Geelle ayaa tilmaamay in xilligan ay hayaan cadeeymo muujinaya in ragani ay ahaayeen Kooxdii dilka ugeestay Maxamed Maxamuud Sheekh Cali.

Ragan ayaa maanta waxa ay rasaas iswiidaarsadeen Ciidamada amaanka taa oo keentay labo Shabaab katirsan in la dilo halka mid kale oo Sedexaadna uu baxsaday.