Somali News

Wadahadal u bilowday dawlada Lubnaan iyo maamulka Yahuuda

Muqdisho-KNN- Madaxda dawladaha Lubnan iyo Israel ayaa waxaa u bilowday wada hadal aan toos aheyn oo looga hadlayo sida xal looga gaari karo muranka labada xukuumadood u dhaxeeya ee dhanka xaduuda ah.

Wada hadalkaan oo ay dawlada Maraykanku gar wadeen ka tahay waxaa si gaar ah looga hadlayaa arrinta magaalada xaduuda ku taala Naquura oo ay labada dawladood isku haystaan

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda Lubnan ayaa lagu sheegay in wada hadalkaan ujeedkiisu ahayn xiriir diblomaasiyadeed oo dhex mara Lubnan iyo Israel hase ahaatee uu ku koobanyahay in xal laga gaaro dhibaato xaduuda ka jirta.

Ururada hubeysan ee ka jira dalka Lubnan ee Xisbullah iyo Amal ee Shiicadda ah ayaa cambaareeyay kulanka dhex maray ergada kala matalaysa Lubnan iyo Israel.

Magaalada Naquura ee ay isku haystaan dawlada Lubnan iyo maamulka Yahuuda waxaa hadda ku sugan ciidamo nabad illaalin ah oo Q,M ka socda oo la yiraahdo UNIFIL.