Somali News

Wadahadalii Militariga iyo Mucaaradka Sudan oo markale natiijo la’aan kusoo idlaaday.

Wadahadaladii u dhaxeeyay golaha xiliga kala guurka maamulaya dalka Sudan iyo hogaamiyaasha mucaaradka oo dib uga bilawday magaalada Khartuum ayaa soo idlaaday iyadoona lagaarin wax heshiis ah.

Golaha ayaa horay u hakiyay wadaxaajoodyada mudo sadax maalin ah kadib markii ay dalbadeen in dibadbaxyaashu ay qaadaan jidgooyooyinka ay dhigeen wadooyin badan oo ku yaalo caasimada Khartuum.  

Wadahadalada oo xalay dib u furmay qaatayna saacado badan ayaa lasheegay in ay labada dhinac isku fahmi waayeen sidii loosoo dhisi lahaa dowlad wadaag ah oo dalkaasi ku maamusha  sadaxda sano ee soo socota.  

Militariga dalka Sudan ayaa horaantii bishii hore xilka ka tuuray madaxwaynihii ugu waqtiga dheeraa dalkaasi ee Cumar Xasan al-Bashiir kadib dhawr bilood oo dalkaasi ay kasocdeen dibadbaxyo looga soo horjeedo.

Awood qaybsiga ayaa ah arinta ugu wayn ee labada dhinac ay isku fahmi la’yihiin.

Dibadbaxyaasha dalka Sudan ayaa rajo wanaagsan ka qabay in guulo laga’gaaro wadahadalada u dhaxeeya mucaaradka iyo golaha militariga dalka Sudan.