Somali News

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaarey magaalada Laascaanood

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomite Ku-Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan labada gole iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa gaarey magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool.

Ujeeddada wafdigan ayaa ah u kuurgalida, xaalada degaanka iyo sidii ay dowladda da dhexe ugu gudbin lahaayeen warbixin rasmi ah.

Soo dhawaynta kadib waftiga ayaa booqdey hoyga isimada goobaha ay dhibtaadadu iyo burburku ka soo gaareen dagaaladii ka dhacay Laas Caanood iyo Goojacadde.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda Mudane Jaamac Xasan Khaliif ,Xildhibaan Xamsa Sayid Xamsa iyo Xildhibaan Cali Sayid Faqi oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay maamulka degaanka , isimada iyo shacabka degaanka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin midnimada dadka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Ku-Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde ayaa dhankiisa xusay in safarkooda uu ku saabsan yahay adkeynta midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya.