Somali News

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo tagay Baydhabo

Baydhabo-KNN-Madaxweynaha maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ku qaabiley Xafiiskiisa Wafdi uu hogaaminayay  George Conway oo ah ku xigeenka 1aad Wakiilka Qaramada Midoobay Soomaaliya ee Arrimaha Samafalka,

Waxaana Labada dhinac ay yeesheen shir Sacdo Badan qaatey, waxaana Shirka Qeyb ka ahaa qaar ka mid ah wasiirada Dowlad Gobolleedka Koofur galbeed Soomaaliya.

Ujeedka Wafdigan Baydhabo u tagay ayaa aheyd sidii ay u ogaan lahaayeen mashaariicda ka socda deeganada Koofur Galbeed, ayna ugu taageeri lahaayeen mashaariicdasi sidii loo kordhin lahaa mashaaricda laga fulinaayo Degmooyinka iyo deegaanada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdicasiis Xassan Maxamed ( Lafta-gareen ) ayaa u mahad celiyey Wafdigan waxaana uu sheegey in ay soo dhaweynayaan cid waliba oo taageereysa Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya .