Somali News

Wafdi uu hoggaaminayo MW Xasan Shiikh oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee DG Koofur galbeed, iyadoo halkaas ay si weyn ugu soodhaweeyen Mas’uuliyiin uu ku jiro Madaxweyne Cabdiciis Lafta gareen iyo boqolaal ka mid ah bulshada magaaladaas.

Socdaalka Madaxweynaha uu ku tagay Magaalada Baydhabo, waxaa ku wehlinaya ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirada, xildhibaano iyo Ergeyga madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Safarka Madaxweynaha waxaa ka hadlay Afhayeenkiisa Cabdikariim Cali Kaar, isagoo sheegay in Madaxweyne Xasan markasta oo uu madaxweyne noqdo uu safarkiisa ka bilaabo magaalada Baydhabo, hase yeeshee uusan intaas ku koobneyn safarkiisa uu halkaas ku aaday.

Sidoo kale, wuxuu sheegay maadaama Madaxweyne Xasan hal ku dhigiisa ahaa Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah, wuxuu safarkiisa Baydhabo uu ku saabsanyahay Soomaali heshiis ah, balse wuxuu xusay in marka ay Soomaalida heshiiso ayay dowladnimadana hanoqaadi kartaa.

Afhayeenka wuxuu sheegay in madaxweynayaasha Xasan Shiikh iyo Cabdicasiis Lafta gareen uusan jirin wax ay kaligood ka wada hadlayaan, ee si guud tashi loola samaynayo bulshada iyo maamulka Koonfur Galbeed, isaga oo yiri “Madaxweynaha ma tagayo dal kale, meesha uu u socdaayi waa dalka dhexdiisa”.

Sidoo kale, Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar, ayaa sheegay in arrinka xirnaanshaha Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur Rooboow aysan ahayn moowduuc gaar ah oo ay labada madaxweyne ka wada hadlayaan.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, waxaana hareeraha waddooyinka soo gala Madaxtooyada lagu arkayaa Ciidamo fara badan oo sugaya amniga, iyagoo sameenaya baaritaano.

10 sano kahor Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu safarkiisa ugu horeeya uu ku tagay magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.