Somali News

War deg deg ah:- Dab xoog leh oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalo Isgoyska Banaadir.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanayo xaafadda Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa soo sheegayo, in goordhaw dab xoog leh uu ka kacay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaala.

Dabka oo xoog ku socda ayaa qabsaday dukaaman iyo xafiisyo ka soo horjeeda wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kaalin Shidaal ay halkaasi ku taalo.