Somali News

War deg deg ah:- Suuqyo ku yaalo Afgooye iyo Baydhabo oo caawa gubtay

Muqdisho-KNN-Laba suuq oo ganacsi oo ku kala yaalo degmooyinka Baydhabo iyo Afgooye ee gobolada Shabeelaha Hoose iyo Bay ayaa caawa ku gubtay dab ka kacay suuqyadaasi.

Dabka hore oo ka kacay suuqyaraha Mubashar ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku gubtay ku dhawaad 10 dukaan oo yar yar iyo waa wayn isugu jira. Waxaa lagu guuleestay in dambkaasi la damiyo.

Dabka kale ayaa ka kacay suuqa Hiliwaaley oo ku yaala degmada Afgooye ee Sh. Hoose. Suuqaan oo ka sameysan Cooshado ayaa lagu iibiyaa alaabta jiifka waana sababta keentay in khasaaraha uu badnaado. Goobo ganacsi oo badan ayaa ku gubatay, sidoo kale dhaqso looma helin gaadiidka dab damiska.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayaa in Shirkadda Hormuud ay ku guuleysatay daminta dabkaasi.

Muddo 24 saac gudahood waa dabkii 3-aad oo ka kaca suuqyo ku yaala Muqdisho, Afgooye iyo Baydhabo. Waxaa ka horeeyay dambkii weynaa ee caawa oo kale todobaadkii hore baa’bi, ayay suuqa weyn ee Bakaaraha.