Somali News

War murtiyeed laga soo saaray kulan deg deg ah oo ay yeesheen Golaha Wada tashiga Qaran

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo ay Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ku yeesheen Muqdishu.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ujeeddada kulanka deg degga ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ah in Goluhu uu jawaab ka bixiyo heshiiska is-afgaradka lagu sheegay ee dhexmaray maamulka Soomaaliland iyo Dawladda Itoobiya oo xadgudub ku ah gobannimada Soomaaliya.

Golahu Wadatashaga Qaran markuu arkey:

1.Dastuurka Soomaaliya qodobadiisa xeerinaya gobannimada, midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo awoodda Xukuumadda Federaalka ee gelista heshiisyo caalami ah iyo u hoggaansanaanta heerarka dawladda ee Dastuurka Soomaaliya.
2.Axdiyada Qaramada Midoobey, Midowga Afrika iyo IGAD oo dhammaantood waajibinaya inaan lagu xadgudbi karin madaxbaannaanida siyaasadeed iyo midnimada dhuleed ee dalalka ka tirsan.

Wuxuu soo saaray qodobadaan:

1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.

3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.

4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed