Somali News

Wararkii ugu dambeeyay doorashada ka socota deegaanada Puntland.

Taliyaha Booliska Puntland Jen. Cabdi Yare ayaa sheegay inta doorashada socoto la joojiyay isu socodka gaadiidka degmooyinka ay ka dhacayaan doorashada ee Qardo, Eyl iyo Ufeyn.

Doorashadan qof iyo codka ah ee golaha deegaanka Maamulka Puntland ayaa noqoneysa tii ugu horeysay tan iyo markii maamulkaasi dhidibada loo taagay.

Sidoo kale taliyaha ayaa sheegay la adkeeyay ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashada golaha deegaanka ee deegaanada maamulka Puntland

Ciidamo boolis ah oo aad u fara badan ayaa lagu arkayaa goobaha ay ka dhacayaan doorashada qof iyo cod.

Doorashada waxaa ku tartamaya goleyaasha deegaanka 8 urur siyaaaadeed oo kala ah, Kaah, Mideeye, Horseed, Caddaalad iyo Sinnaan, Runcad, Mustaqbal, Ifiye iyo Shaqaalaha.

Sidoo kale ilaa 449 musharrax ayaa ku tartamaya 87 kursi oo ah goleyaasha deegaanka saddexda degmo. Qardho waxaa ka soo baxaya 33 kursi, Eyl 27 kursi, halka sidoo kale Ufeyn ay ka soo baxayaan 27 kursi.