Somali News

Qarax ka dhacay Kismaayo & Khasaaro ka dhashay

Muqdiaho-KNN-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxayo Qarax ka dhacay Magaalada Kismaanyo ee xarunta ku meelgaar ah Dowlad Goboleedka Jubaland.

Qaraxaan oo ahaa mid qorsheeysnaa sida ay Shegeen Saraakisha Amaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa lagu bartilmaameedsaday sarkaal sare oo ciidanka Xoogga dalka ka tirsan kaas oo lagu maga caabi jiray lagu Conel Ismaaciil Sheekh Isxaaq.

Saraakisha amaanka Dowlad Goboleedka Jubaland iyo Howl wadeenadda Cafimaadka ayaa KNN u xaqiijiyay in Qaraxa uu ku dhintay Koneelka Oo la sheegay in uu ku sugnaa gurigiisa Waxaana dhaawacyo xoogan soo gareen xubno ka mid ah qoyskiisa.

Ilaa iyo hadda lama ogga Cidda ka danbeeysay qaraxa mana jirto Cid sheegatay masuuliyadda Qaraxa lagu dilay Korneelka.