Somali News

Wararkii ugu dambeyey Qarax caawa ka dhacay degmada Hodan

Muqdisho-KNN-Qarax ayaa ahaa mid gaari loogu xiray shaqsi kamid ah dadka shacabka ah ee degan carwadii hore ee taleex,waxaana la sheegay xilli uu agmaraye agagaarka carwadii hore ee qaranka la maqlay qarax.

Dad goobjogayaal ah ayaa KNN u sheegay in jirto dhaawac soo gaaray wadihii gaariga.

Goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa booliiska degmada hodan,iyagoona saacado kooban joojiyey isku socdka wadada taleex halkaas oo gaariga kula qarxay.

Dad degan Carwadii hore ee qaran ayaa sheegay in shaqsi qarax uu haleelay uu kamid yahay dad shacabka ah ee degan carwada taleex oo ay hada deganyihiin dad shacab ah.