Somali News

Warbaahinta Kulmiye oo maanta u dabaal dageysa sannad guuradii 13-aad

Warbaahinta Kulmiye ayaa maanta u dabaal dagaysa sanad guuradii 13-aad ee ka soo wareegatay markii la aas-aasay KNN.

Maamulka iyo shaqaalaha Radio Kulmiye KNN waxa ay hambalyo ku aadan sanad guuradooda sagaalaad u diray dhamaan umadda Soomaaliyeed.

Agaasimaha warbaahinta Kulmiye Burhaan Diini Faarax ayaa sheegay in KNN hadafkii loo aas-aasay ay ka mira dhalisay, door wanaagsana ay uga jirto dib u soo kabashada dalka, isagoo balan qaaday in maamulka iyo shaqaalaha Radio Kulmiye ay sii laba jibaari doonaan howsha baaxadda leh ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Idaacadda Kulmiye waxaa la aas-aasay 9-kii Febraayo sanadkii 2011-kii, wixii xilligaas ka dambeeyana waxay gaareysay guulo dhowr ah, iyadoo la gudoonsiiyey abaal marino dhowr ah oo ay ku muteysatay dadaalka ay bixinayaan howl-wadeennada KNN.

Labadii sano ee u dambeysay KNN waxay aheyd hoggaanka warbaahinta madaxa banaan ee dalka, iyadoo loo aqoonsaday kadib markii ay kusoo baxday tartano kala duwan, Idaacadda ugu wanaagsan, waxayna guushaasi dhaxalsiiday bilado qaali ah iyo bogaadin joogto ah.

Hambalyo mar kale dhamaan umadda Soomaaliyeed, “Kulmiye kulama jirto kaamana jirto”.