Faalooyin Somali News

Warbixin:-12 sano oo ka soo wareegatay qaraxii Hotel Shaamow (3 December 2009)

Muqdisho-KNN-Maanta oo kale 3-dii Bishi December ee sanadkii 2009-kii  waxaa Hotelka Shaamow ee Magaalada muqdisho ka dhacay qarax la sheegay in uu ahaa ismiidaamin,kaas oo ay ku geeriyoodeen dad u badnaa mas’uuliyiin,xilli ay halkaasi ka socotay Munaasad ay ku qalin jebinayeen Arday baratay kuliyadaha kala duwan ee lagu dhigo Jaamacadda Banaadir.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30 qof oo isugu jiray Wasiiro ka tirsanaa Dowladdii KMG aheyd ee Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Siyaasiyiin, Dhaqaatiir, Ardaydii qalin jebineysay qaarkood, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Dadka la xasuusto ee qaraxaasi ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa wasiirkii wasaaradda caafimaadka Qamar Aadan Cali, wasiirkii waxbarashada Maxamed C/llaahi Waayeel, wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare prof  Ibraahim Xasan Cadoow, wasiirkii wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Saleebaan Colaad Rooble.

Sidoo kale qaraxaasi waxaa ku geeriyooday  Wariyeyaal ay kamid ahaayeen Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo u shaqeynayay idaacadda Shabeelle iyo Xasan Subeyr Xaaji Xasan oo isaguna ahaa sawirqaade ka tirsan  telefishinka Al-Carabiya, iyadoo ay jireen suxufiyiin kale oo ku dhaawacmay.

Halkan Hoose ka dhageyso warbixinta oo dhameystiran:-