Somali News

Warbixin: Hooyo dhamaan caruurteedii ku weysay colaadaha iyo qaraxyada ka dhacaya dalka

Muqdisho-KNN-Dahabo Cali Jimcaale waa hooyo Soomaaliyeed oo da’ ah, isla markaana la daalaa dhaceysa maareynta nolosheeda, oo aan la heyn ehel iyo caruur ay la ciirsato.

Waa 80-jir mar kasta oo aad ku soo hadal qaado la ilmeyneysa xasuusta halka ay ku baxeen todoba caruur ah oo ay dhashay, oo markii laga reebo laba ka saqiirtay, shantii kale laga dilay.

Tobanaankii sano ee la soo dhaafay waa dhif guri Soomaaliyeed oo aysan gaarin mahadhada ay reebeen dagaalada sokeeye iyo qaraxyada ka dhacaya dalkeena.

Hooyo Dahabo waxay Radio Kulmiye u sheegtay in afar kamid ah todoba carrur ah oo ay dhashay hal goob looga dilay, xilligii uu Muqdisho ka socday dagaalkii afar biloodka.

Sidoo kale maama Dahabo waxay sheegtay in ilmaheeda Aabahood oo ahaa askari ka tirsan ciidanka xoogga uu ku geeriyooday magaalada Beldeweyne, halka gabadhii ugu dambeysay owlaadeeda ay ka mid noqotay bololaalkii qof ee lagu dilay qaraxii musiibada ahaa 14-kii bishii October ee sanadkii 2017-kii ka dhacay isgoyska Soobe.

Hoos ka Daawo warbixintan uu nooga diyaariyey weriyaha Idaacadda Kulmiye Liibaan Nuur Lugcad.