Somali News

Wasaaradda Caafimaadka oo diyaarisay Buug Caafimaad

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diyaarisay qorshe cusub oo caafimaad, shaqaale iyo qalab loogu tala galay in loogu adeego Xujeyda Soomaalyeed ee sanadkaan.

 Hanaankaas Caafimaad ayey sheegtay Wasaaraddu in ay ugu tala gashay dadka u safraya dalka Dibadiisa oo ay ka xustay Xujeyda Soomaaliyeed ee sanadkaan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa horay u sheegay in uu diyaariyey Buug caafimaad, balse ay caqabad ka heysato dhanka  Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo uu ku eedeeyey maamulku in aysan ogoleyn in ay u madax baneydo howlaha caafimaad ee Gobolka.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda:-