Somali News

Wasaaradda Gargaarka XFS oo sahay gargaar u dirtay Galmudug

Wasaaradda Garrgaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta sahay gargaar u dirtay degmada #Gaalkacyo dhinaca Dowlad Goboleed Galmudug, iyadoo sahaydaas ay dhan tahay 6.5 tan.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Marwa Khadiijo Maxamed Diiriyr ayaa sheegtay in sahaydaas oo ka timid dowlada Qadar ay maanta gar gaar ahaan u amartay in la gaarsiiyo dadka abaaruhu saameeyeen gaar ahaan dadka ku sugan degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Waxaana goobta Wasiirka Gargaarka kula sugnaa oo goob joog ahaa Agasimaha guud ee wasaaradda gargaarka Axmed Abukar Axmed (Axmed wali), Agaasimaha waaxda gargaarka Cabdulahi mugan, Agaasimaha waaxda xiriirka dowlad gobaleedyada iyo gobalka banaadir Marwo Sahro Yusuf iyo Lataliyaha wasiirada Maxamed Nur shuuriye 

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Xukuumadda Soomaaliya Hon Khadiijo Maxamed Diiriyr ayaa sheegtay in iyana Sahayda gargaarka la gaarsiin doonaa dowlad gobaleedyada dhiman maalamaha soo socda si loo samatabixiyo dadka ay abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen.