Somali News

Wasaaradda Waxbarashada XFS oo diginin u dirtay Jaamacadaha ku yaal dalka

Wasaaradda Waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dignin u dirtay Jaamacadaha Gobolada dalka ee aan weli la xiriirin Guddiga Qaranka Tacliinta Sare ee dowladda Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada ayaa lagu yiri “Guddiga Qaranka ee Tacliinta Sare wuxuu si sharaf leh uga codsanayaa Jaamacadaha ka howlgala Gobolada Soomaaliya ee aan weli xiriir la soo samayn Guddiga Qaranka Tacliinta Sare.

hadaba Waxaan ka codsaneynaa inay la soo xiriiraan guddiga Qaranka Tacliinta Sare ugu  dambayn 05/06/2021.

Jaamacaddii aan muddadaas kor ku xusan la soo xiriirin guddiga Qaranka waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga waafaqsan”.

Dhawaan ayey ahayd markii wasaaradda waxbarashada XFS ay soo saartay Jaamacadaha ay aqoonsan tahay kuwaas oo ay ku jireen qaar ku yaal deegaanada maamulka Soomaaliland inkastoo markii danbe ay wasaaradda waxbarashada maamulka Soomaaliland arintaas ku tilmaantay mid sharci daro ah.