Somali News

Wasaaradaha Ganacsiga iyo Warfaafinta oo wasiiro loo magacaabay

Muqdisho-KNN-wareegto ka soo baxday xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha loogu magacaabay Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, iyadoo sidoo kale wasiirkii Ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, sida goor dhow lagu daabacay wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Isbedalka kuyimid wasaaradahaas ayaa imaanaya iyadoo goor dhow uu xilkii wasiirnimo iska casilay wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.