Somali News

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo ku geeriyooday Weerarkii maanta ee Al-shabaab

Alle ha u naxariistee Wasiir ku xigeenkii wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa kamid noqday dadkii maanta ku geeriyooday weerarkii ay Al-shabaab ku qaadayn dhismiyaasha wasaaradaha Howlaha Guud iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya.

Marxuumka dhintay ayaa ahaa Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxaana laga soo doortay degaanada maamulka Jubbaland dhamaadka sanadkii 2016.

Xildhibaan Lutfi Shariif Ibraahim ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabadalla waxa uuna yiri “Alle ha u naxariisto Wasiir Xildhibaan Saqar Ibrahim Abdalla” waxaas sidaasi yiri Xildhibaan Lutfi.  

DF-ka Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin weerarkii ay Al-shabaab maanta ku qaadayn Xarumo Wasaaradood oo ku yaala degmada Shangaani ee Gobalka Banaadir. Wariyaal gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in ay arkayn bur bur xoog leh iyo khasaare nafeed oo ka dhashay weerarkaasi.