Somali News

Wasiirka Caafimaadka “Ma soo shaqo gali karo qofkii aan qaadan Tallaalka”

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo maanta hor tagtey xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka warbixisay xaaladda Covid-19 ee gudaha dalka.

Dr Fowsiya ayaa sheegtay in qaar kamid ah shaqaalaha caafimaadka ee safka hore ugu jira ka hortaga xanuunka Covid19, ay cabsi xooggan ka muujiyeen talaalka Astarazenec ee dhowaan dalka la keenay.

“Shaqaalaha caafimaadka qaar kood ayaa diiday in ay qaataan tallaalka cudurka Covid-19, waxaan rabnaa inaan ku qasabno oo aan dhahno; ma soo shaqo gali karo qofkii aan qaadan talaalka” ayay tiri wasiir Fowsiyo

Sidoo kale wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan dad badan oo ku nool dalka, kuwaasi oo qaba xanuunka balse aan tageyn goobaha caafimaadka ee qarsada.