Somali News

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.