Somali News

Maxuu wasiirka cusub ee warfaafinta maanta kala hadlay shaqaalaha wasaaradaas?

Muqdish-KNN- Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda Soomaaliya  Cismaan Abokor Dubbe ayaa kulan is-barasho iyo is-xog wareysi ah maanta la qaatay shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Agaasimaha shaqaalaha iyo tababarada wasaaradda warfaafinta C/raxiin Ciise Caddow oo kulanka kusoo dhaweeyay wasiirka cusub ayaa tilmaamay in kulanku uu yahay mid is-barasho ah, wuxuuna shaqaalaha uga mahadceliyay sida ay uga soo qeyb galeen.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa howlwadeennada kala duwan ee wasaaradda ku boggaadiyay shaqada ay Qaranka ay  u hayaan,isagoo kula dardaarmay in ay dardar geliyaan shaqada.

Wasiirka ayaa hawlwadeennada ka codsaday in ay la shaqeeyaan si sare loogu qaado tayada bixinta adeegyada bulshada loo hayo,wuxuuna xusay in qof walba lagu qiimey doono shaqada uu qabto.

Wasiir Cismaan Abokor Dubbe ayaa ugu dambeyn ka jawaabay su’aalo ay weydiiyeen qaar kamid ah shaqaalaha, wuxuuna balan qaaday in saaxib uu ka dhiga doono dadka ugu shaqada wanaagsan.