Somali News

Wasiirka Gaashaandhiga oo kulan la qaatay saraakiisha sare ee CXD

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta kulan la qaatay talyaha ciidamada xoogga Odowaa Yusuf Raage iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa waxaa looga hadlay howlgalada dalka ay ka wadaan ciidamada xoogga, kuwaasi oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay talyaha ciidamada xoogga Janaraal Odowaa Yusuf Raage iyo saraakiisha ciidamada, isagoo dhageystay halka ay marayaan howl-galladii u dambeeyay ee ciidamada ka sameeyeen guud ahaan dalka.

Saraakiisha kulanka ka qeyb-gashay ayaa waxaa kamid ah Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Jeneraal Cabaas Amiin  iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Biixi iyo Taliye iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Hoggaanka CXDS.