Somali News

Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya oo kala diray Guddiga Qaran ee Maamulka Hay’adda

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray warqad uu ku caddeynaayo dhammaadka muddo xileedka Guddiga Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda ayaa lagu sheegay in muddada Xil-haynta Guddiga Maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka uu yahay muddo 4 sano ah, Ayadoo la tixraacayo Qodobka 11-aad ee Sharciga Isgaarsiinta Qaranka.

Intaa kadib qoraalka ayaa lagu xusay in Wasiirka Wasaaradda uu soo saaray Warqad ay ku cadahay in mudda xileedka maamulka Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (Board of directors ) uu ku ekaa 22 ka bishii Maajo,2022, sidaas darteeda Wasiirka ayaa la wadaagay Madaxda Qaranka iyo dhammaan daneeya yaasha Isgaarsiinta in ay dhammaatay Muddadii Xil heynta Maamulka Hay’adda isla markaana lasoo magacaabi doono maamul cusub kadib katalagalinta hay’adaha ay khuseyso.

Ugu dambeyn, Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Shiikh Axmed ayaa Guddiga uga mahadceliyay Howshii ay qaranka usoo qabtaan afartii sano ay xilka hayeen.