Somali News

Wasiirkii dastuurka Soomaaliya oo ku geeriyooday Dubia.

Muqdisho-KNN-Wasiirkii  Dastuurka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka isutaga  imaaraadka carabta.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in  marxuumka uu  halkaasi maalmahan u joogay Xanuun hayay,iyada oo halkaasi lagu daaweynayay,hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday xanuunkii hayay.

Masuuliyinta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa KNN u xaqiijiyay geerida wasiirkii wasaarada dastuurka ee xukuumada Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa wasaaraaddiiisa, waxaa ay maalmihii dambe ku howlnadeed dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya.