Somali News

Wasiiro ka tirsan XFS oo booqday dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska XFS  Cusmaan Abuukar dubbe  ayaa maanta kormeeray  dhismaha waddada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho oo heer gebogabo ah maraysa.

Wasiirka oo ka warbixiyay kormeerkiisa ayaa sheegay wadado ay ka dhimantahay laba kilmomitir isla markaasna ay bil ama bar ay ku soo dhammaandoonto.

Wasiirka ayaa tibaaxay, dhismaha wadadan in ay fududeyneyso isku socodka dalka iyo koboca dhaqaalaha, isla markaasna dadka deggan agagaarka wadadan ay ka faaiidi doonnaan.

Wasiir dubbe ayaa dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ku tillmaamay halgan

“Waxaa wadadan inagaga maqan ciidan iyo saraakiil badan kuwaasi oo xaqiijinayay amniga wadadan. 2021 ayay dad diidanyihiin inuu dalku dhismo oo dowlad noqdo oo uu helo mashaariic lamid ah mashruucaan” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Wadadan dhismaha ku socdo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo lala beegsaday shaqaalaha dhismaha iyo ciidamada amniga.

Waxaana inta badan weeraran sheegtay dagaalamayaasha Al-Shabaab.