Somali News

Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Xadka Wadamada Niger iyo Maali

Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa 16 Askari ku dishay qarax loo adeegsaday gaari oo lagu weeraray xero ciidanka milatariga Niger ay ku leeyihiin xadka ay la wadaagto dalka Maali, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka Amniga Niger.


Weerarka ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Inates halkaasi oo bishii May kooxda daacish ay ku dishay 28 Askari oo ka tirsan ciidanka Amaanka dalka Niger.

Zakari Insa, oo walaalkiis uu ka mid ahaa Askarta lagu dilay weerarkaan ayaa warbaahinta u sheegay in 16 Askari lagu dilay weerarkaas.

Ilo ka tirsan ciidanka amaanka Niger ayaa sheegay in ay kordhi karto dhimashada, waxeyna sheegeen in gawaari badan uu dab qabsaday.

Dagaalyahanadii ka danbeeyay weerarkaaa ayaa dhanka kale la baxsaday dhowr gaari oo yaalay Xerada ay weerarka kusoo qaadeen.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa wuxuu imaanayaa 6-da ilaa 9-ka bishaan Luuliyo uu dalka Niger marti galinayo shirka madaxeedka wadamada Africa.

Degaanka uu weerarka ka dhacay ayaa qiyaastii 200 oo kiilo mitir wuxuu u jiraa magaalada caasimadda u ah dalkaas ee Niamey.