Somali News

Weerar ay dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Tanzania

Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa weerar ka dhacay tuulo ku taalla xadka ay Tanzania la wadaagto dalka Mozambique.

Wararka warbaahinta ayaa sheegaya in in ka badan 20 qof ay ku dhinteen weerarka oo ka dhacay Kitaya, oo ku teedsan webiga Rovuma river ee kala qeybiya labada dal.

Guryaha iyo gawaarida ayaa la sheegay in la gubay; dhismayaasha waxaa ku jira guri uu leeyahay mid ka mid ah musharraxiinta dooarshada lagu wado inay dhacdo bisha soo socota.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkaasi lala xiriirinayo koox taabacsan Daacish oo ku sugan Mozambique – balse dad kale ayaa qaba inay la xiriirto doorashada.