Somali News

Weerar dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kabul

Ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay laba kalana waa lagu dhaawacay kadib markii qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen caasimada Afghanistan ee Kabul.

Booliska ayaa sheegay in qof dumar ah ay kamid tahay dadka ku dhintay qaraxyadaasi.

Ilaa hadda lama oga cida fulisay weeraradaan. Kabul waxaa si xowli ah ugu kordhay tirada dilalka qorsheysan ee lagu dilayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, saraakiisha dowladda , saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah.

Wadahadaladii nabadeed ee udhaxeeyey dowladda Afqaanistaan iyo Taalibaan ayaa hakad ku yimid iyadoo maamulka Biden uu dib u eegis ku sameynayo heshiiska ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afqanistaan kaas oo la saxiixay sanadkii hore.