Somali News

Weerar khasaare geeystay oo ka dhacay dalka Koongada dimoqraadiga ah

In ka badan 20 ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib weerar koox hubeysan ku qaadeen degaan ku yaala bariga dalka Koongada dimoqraadiga ah.

Wararku waxay sheegayaan in dablay hubeysan ay gudaha u galeen tuulo ku taala gobolka Kiifuu oo bariga Koongo ku yaala.

Afhayeen u hadlay ciidamada Koongada dimoqraadiga ah ayaa sheegay tirada dadka weerarkaas ku geeriyooday ay ka badan 24 ruux .

Wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadka la dilay ay 27 ruux gaarayaan waxaana goob joogayaal ay warbaahinta u sheegeen in guryaha qaar ee degaanka la weeraray la gubay.