Somali News

Weerar lagu dilay dad badan oo ka dhacay dalka Libya.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 28 ruux ayaa dhimatay halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kadib weerar dhanka cirka ah oo lagu qaaday iskuul militeri oo ku yaalla caasimadda dalka Libiya ee Tripoli.

Faahfaahino dheeraad ah lagama hayo balse wariyaasha ku sugan halkaasi ayaa sheegaya in weerarka ay gaysteen xoogaga daacada u ah General Khaliifa Xaftar’ka fadhigiisu yahay bariga dalkaasi.

Muuqaalo laga soo duubay goobta uu weerarku ka dhacay ayaa muujinayay maydad badan oo halkaasi yaala.

Sidoo kale Baarlamaanka dalkaasi ayaa kasoo horjeestay in dalkaasi ay tagaan ciidamo ka socdo Turkiga kadib markii dhawaantan Baarlamaanka Turkiga uu meel mariyay mooshin ciidamo loogu dirayo dalka Libya.