Somali News

Weerar lagu qaaday ciidamada Jordan

Ciidamada amniga ee dalka Jordan ayaa la kulmay weeraro hubeysan caasimada Cumaan, sida ay masuuliyiintu sheegeen ka dib markii ay isku dhaceen taageerayaasha xildhibaanka laga madnuucay baarlamaanka iyo booliska dalku maalinimadii sabtida

Xildhibaan Osama al-Ajarma, ayaa laga mamnuucay sharci dejinta muddo sanad ah dabayaaqadii bishii hore ka dib markii uu ku aflagaadeeyay meyd khudbad uu jeedinayay mudaaharaadayaasha xubnaha qabiilkiisa.

Warbixin gaar ah oo ay daabacday wakaaladda laamaha amniga ayaa lagu sheegay in afar xubnood oo ka tirsan ciidamada amniga oo la tacaalayay rabshadaha ka dhacay aagga Naour ay ku dhaawacmeen iyaga oo isku dayaya inay joojiyaan rabshadaha