Somali News

Weerar loo adeegsaday tooray oo ka dhacay Faransiiska

Weerar loo adeegsaday tooray ayaa ka dhacay magaalada Nice ee wadanka Faransiiska sida ay warinayso warbaahinta dalkaasi.

Ruux ku hubaysan tooray ayaa labo qof dilay halka dhawr kalana uu dhaawacay kadib markii uu weeraray kaniisada magaalada Nice sida ay sheegayaan booliska magaalada.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warameeso in labada ruux ee dhimatay ay kala yihiin nin iyo haweenay waxaana sidoo kale jirta ruuxii weerarkaas looga shakisanaa in laqabtay 10 daqiiqo kadib inta aanan loo qaadin cisbitaalka.

Wasaaradda arimaha gudaha ee Faransiika ayaa dadka ugu baaqday in ay ka fogaadaan agagaarka goobta uu weerarku ka dhacay,  

Duqa magaalada Nice, Christian Estrosi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiter’ka ku sheegay in weerarka uu yahay mid argagaxiso, waxaa uuna intaas hadalkiisa raaciyay in weerarka ay filayaan in uu ka dhacay gudaha kaniisa ama meel u dhaw.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli wali gudaha wadanka Faransiiska si wayn looga xasuusto kii horaantii bishan lagu qaarijiyay macalin dhigi jiray maadada taariikhda oo soo bandhigay kartoomo lagu aflagaadeenayo Nabi Muxamed N.N.K.H.

Macalinkaas oo lagu magacaabi jiray Samuel Paty ayaa ku baxay gacanta wiil 18 sano jir ahaa oo u dhashay wadanka Jeejniya kadib markii uu gooracay waxa uuna wiilkaasi uu ka mid ahaa ardaydii uu waxa u dhigi jiray.

Illaa iyo haatan lama ogo waxa ku xanbaaray ruuxii ugu danbeeyay ee weerarka maanta ka gaystay magaalada Nice balse waxaa si dhaw loola xariirinayaa carada ka dhanka ah madaxwaynaha Faransiisa Emaual Macron oo wacad ku maray in ay sii wadi doonaan kartoomada lagu suurad xumeenayo suubnaha N.n.K.H..

Wadamo badan oo islaam ah ayaa sidoo kale ka jawaabay hadalka madaxwaynaha Faraniiska iyadoona hogaamiyaasha dalalkaasi qaarkood ay shacabkooda fareen in aysan iibsan badeecadaha lagu sameeyo Faransiiska loona iibgeeyo dalalkooda, halka wadamada qaarna kaliya ay ku eekeesteen cambaareen afka ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha waqti danbe cambaaray’yay gafka madaxwayne Macron iyadoona war kasoo baxay villa Somalia lagu yiri “Dowladda Faderaalka Soomaaliya waxa ay ku boorinaysaa hogaamiyaasha caalamka in ay si taxadar leh uga fiirsadaan hadalada xadgudubka ku ah dareenka dadka muslimiinta ah iyaga oo kala saaraya xoriyadda hadalka iyo ku xad gudubka mudaqadasaadka islaamiga ah.

Waxaana xusid mudan in warka kasoo baxay Villada aanan marna lagu soo hadal qaadin dalka iyo hogaamiyaha ay cambaareentu ku socoto, iyadoona ay isku hadal ekaadeen Boqortooyada Sucuudiga oo goor sii horeesay arintan ka bixisay cambaarayn aanan ku cadeen cida ay ku wajahantahay.