Somali News

Weerar Qarax oo ka dhacay Waqooyiga Afghanistan

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah ayaa geeriyooday,   kadib markii gaari ay la socdeen ay miino la kacday, gobolka Badgis ee waqooyiga Afghanistan.

Husamudim Shams, oo ah guddoomiyaha gobolka waqooyiga ee Badgis, ayaa sheegay in dadka ku waxyeeloobay qaraxii Sabtidii ay ku jiraan saddex carruur ah.

Saraakiisha ammaanka ayaa koox Taalibaan ku eedeyay in ay ka dambeeyen qaraxaasi lagu dilay dadka shacabka ee ka dhacay Waqooyiga Afghanistan.

Ilaa hadda Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Balse Kooxda Taalibaan ayaa qaraxyo iyo dilal ka geysta dalka Afghanistan, iyadoo ka soo horjeeda dowladda ka jirta dalkaasi.