Somali News

Weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooge dhinaceed Galbeed ee waddada aadda Wanlaweyn.

Inta xaqiijiyay 9 qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee dhuxusha qaada ayaa ku dhintay, waxaana sidoo kale weerarkaasi ku dhintay 7 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo gudbinayey gaadiidkaas.

Wararka ayaa waxaa uu intaasi ku darayaa in laba askari uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa iney gaddoomeen saddax baabuur oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Inna Tareega (N3) oo dhuxul siday kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.