Somali News

Weriyeyaasha Muqdisho oo maanta dhigay banaanbax ka dhan ah xariga Weriye C/laahi Kulmiye

Muqdisho-KNN-Maalinkii seddaxaad waxaa dowladda Soomaaliya, gaar ahaan hey’adda NISA, si afduub ah ugu xiran Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan shaqaalaha warbaahinta KNN.

Maanta waxaa magaalada  Muqdisho ka dhacay banaabax looga soo hor jeedo afduubkaas oo ay dhigeen weriyeyaasha iyo maamullada warbaahinta madaxa-banaan ee Soomaaliyeed.

Weriyeyaashii maanta banaanbaxaas dhigay ayaa soo bandhigay dareenkooda la xiriira xarigga sharci darrada ah ee NISA kula kacday Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow, iyagoo dalbaday in xoriyadiisa dib loogu soo celiyo lana cadeeyo ujeedada ka dambeysa xarigiisa.

Abwaan Cismaan Cabdullahi Guure oo ah gudoomiyaha warbaahinta Kulmiye ayaa sheegay in Taliyaha Nabad sugidda Fahad Yaasiin oo ah ninka uu u xiranyahay Weriye Cabdullahi Kulmiye uu saxafi ahaan jiray, cid kastana uu wareysan jiray, balse hadda looga baahanyahay inuu ilaaliyo sharuucda saxaafadda, isla markaana uu dib u xasuusto waayihiisii warbaahinta.

Sidoo kale Abwaan Guure ayaa ugu baaqay wasiirka cusub ee warfaafinta iyo ku xigeenkiisa in shaqada ugu horeysa ay ka dhigaan siideynta Weriye Cabdullahi Kulmiye oo si sharci darro ah ugu xiran dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo.

Mohamed Ibaarim Macalimow oo ah xoghayaha ururka saxafiyiinta ee FESSOJ iyo Maxamed Cabdiwahaab oo ah xoghayaha midoowga warbaahinta SOMA ayaa halkaasi ka jeediyay hadallo ay ku muujiyeen inay si wayn uga soo horjeedaan falka afduubka ah ee lagula kacay Weriye Cabdulaahi Kulmiye Caddow oo ka tirsan bahda KNN.

Inka badan 72-saacadood uu Weriye Cabdullahi Kulmiye Caddow u xiranyahay hey’adda Nabad sugidda, waxaana loo diiday ehelladiisa inay soo booqdaan, taas oo meel ka dhac ku ah sharciga saxaafadda ee uu dhawaan saxiixay madaxweyne Farmaajo iyo guud ahaa shuruucda kale ee dalka.

https://youtu.be/QAr02M-lDvw