Somali News

WFP oo gobalka Tigray todobaadkan gaarsiisay cunno iyo sahay kale .

Muqdisho-KNN-In ka badan 10,000 oo tan oo cunto iyo sahay nafeed ah ayaa gaadhay gobalka Tigray ee gudaha Ethiopia  todobaadkan, sida ay sheegtay hay’ada cunada aduunka ee WFP.

Sida ay sheegtay hay’adda cunnada adduunka ee WFP, 163 baabuur oo ay galbisay gargaar bini’aadantinimo ayaa laba jeer gaadhay gobolka Tigray.

Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa bogaadisay hay’adaha ay wada shaqaynta leeyihiin, waxayna sheegtay in in ka badan 100 baabuur oo sida gargaar bini’aadantinimo oo ka yimid gobolka Tigray ay dib ugu soo laabteen gobolka tan iyo bishii Luulyo 2021.