Somali News

WHO “Daqiiqad kasta ilmo Falastiini ah ayaa ku dhimanaya Qaza”

Qaramada Midoobay oo sheegay in tiradii ugu badeyn oo carruur ah ay ku geeriyoodeen duqeymaha ay Israel ku heyso Qaza

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO Tedros Adhanom, ayaa sheegay in celcelis ahaan 10-kii daqiiqaba hal carruur ah lagu dilo magaalad Gaza.

Agaasimaha oo warbixin sii aya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta duqeymaha ay Israel ku heyso magaalada Qaza oo Falastiiniyiin badan ku go’doonsan yihiin.

Waxa uu sheegay kala bar isbitaallada Qaza ay  daawo la’aan yihiin xiligaan adag oo bukaano badan ay yaallaan.

Hadalka ka soo yeeray Agaasimaha Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa ku soo aadaya xilli tirada shacabka Falastiiniyiinta ee ku dhintay duqeymaha ay kor u dhaafeen 11 kun qof.