Somali News

Wiil Bajaajle ah oo lagu dilay Sanca

Muqdisho-KNN-Askari ka tirsan ciidamada Minishiibiyada Soomaaliya ayaa maanta waxa uu ku dilay wiil bajaajle ahaa meel aan sidaa uga fogeyn isgoyska Sanca.

Dilka wiilkan kadib ayaa la sheegay in askarigii dilka gaystay uu goobta isaga baxsaday, walina lama oga in la soo qabtay iyo inkale askarigii dilka gaystay.

Ciidamada dawladda ayaa si joogta ah waxa ay falal dil ah ugu gaystaan dhalinta ku shaqeysata mooto Bajaajta, walina ma muuqato in dowladda Soomaaliya ay arintan wax ka qabaneyso.