Somali News

Xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay dhawr wadan oo caalamka ah

Muqdisho-KNN- Dhawr wadan oo caalamka ah oo ku yaala Yurub iyo Asia ayaa bilaabay inay dadkooda xaalad deg deg ah kusoo raagaan kadib markii uu si weyn usoo labo kacleeyay xanuunka saf mareenka ah ee Karoona.

Yurub dhawr dal oo ay ka mid yihiin Holland, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa dadkooda amray inay guryahooda joogaan.

Ingiriiska in ka badan 3 million oo qof ayuu saameyn doona bandawgaan cusub.

Shiinahana dawladu waxay sheegtay inuu jiro shaki ah inuu xanuunku kusoo laabtay.

Adduunka oo dhan qiyaastii 38 million oo qof ayaa xanuunka Karoona qaaday waxaana u geeriyooday in ka badan hal milyan oo ruux.