Somali News

Xaaladda deegaanka Ceel-la-helay oo saaka deggan iyo howlgallo ay sameeyeen Ciidanka Xoogga

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa howlgallo ka sameeyay deegaanka Ceel la helay iyo tuulooyinka u dhow oo shalay ay weerar ku soo qaadeen dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxdii soo weerartay, deeganka, isla markaasna ay saaraya an miinooyin halkaasi la galiyay.

Xaalada deegaanka ayaa saaka degan, waxaan ku sugan ciidamada xooga iyo dadka deegaanka, ka dib weerarkii qaraxyada ku billaawday oo ay Al-shabaab halkaasi ku qaadeen.

Weerarkii shalay aya waxaa ka dhashay khasaare labada dhinac soo kala gaarey, balse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah.