Somali News

Xabad joojin maanta ka dhaqan galeysa Qaza

Waxaa saacadaha soo socda ee jimcaha maanta la filayaa inuu dhaqan galo heshiiskii ay Qadar garwadeenka ka ahayd ee u dhaxeeyay Xamaas iyo Israa’iil.

Heshiiskan ku meel gaarka ah oo socon doona muddo afar maalmood ah ayay labada dhinacba ku soo sii deyn doonaan dad u xiran oo ka soo kala jeeda Qasa iyo Israa’iil.

Saddex iyo toban qof oo la soo qafaashay ayaa lagu wadaa in maanta ay sii deyso Xamaas.

Lama oga waxa ay dadkaas kala yihiin, balse waxaa ilaa haatan la ogyahay inay dhamaantood yihiin haween iyo carruur.