Somali News

Xafiisyada Dekadda Muqdisho oo habeenkii shaqeyn doona

Muqdisho-KNN-Munaasabad Kooban oo caawa lagu qabtay gudaha dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa si rasmi ah loogu  furay shaqada dekadda ee xilliga habeenkii ah.

Ra’iisul wasaare Ku xigeenka dalka mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa daahfuray dekadda shaqadan cusub ee xilliga habeenkii ah lagu soo kordhiyay, Mudane Khadar ayaa sheegay in xilligan wixii ka danbeeya ee dekadda xilliga xabeenkiiah  ay si rasmi ah ushaqeeneyso oo bulshadana loogu adeegayo.

Marsada Muqdisho ayaanan shaqeyn xilliga habeenkii mudaddii dalku uu burburka ku jiray waxa ayna noqoneysaa mid kamid ah horumaradda ay caasimaddu ku tilaabsaneyso.