Somali News

Xarunta Nabadsugidda Jubbaland ee kismaayo oo la weeraray.

Kismaayo-KNN-Dagaal socday qiyaasti muddo sodon daqiiqo ah ayaa kadhacay xerada FIAT ee magaalada kismaayo oo ay deganyihiin Nabadsugidda Jubbland waxaana lagu soo waramayaa inuu dagaalka geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka waxaa qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland balse u abaabulnaa qaab beeleed waxaana ay doonayeen in ay xabsi ku yaala xerada ay weerareen ka furtaan askari shalay looga xiray kuna heyb ah.

Askariga sababta u noqday weerarjka maanta laguq aaday xarunta nabadsugida Jubbalnd ee magaalad kimsyaao ayaa dhawaan waxaa xiray ciidamaad Nabadsugidda Jubland waxaana magaciisa ay dad xog ogaal ahi noogu sheegeen Cabdijabaar Xasan Dubad , waxaana manata ciidamadi ku heybta ahaa ee weerarka qaaday u suurto gashay in ay furtaan.

Lama og inta uu la egyahay khasaaradaha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka intii uu socday , waxaase dad ku sugan kismaayo ay KNN u sheegeen in dhimasho iyo dhawac intaba jiraan.

Intii uu dagaalka socday ayaa waxaa magaalada kismaayo meelaha qaar ciidamadu ka sameeyeen bandow sida lagu waramay , waxaana dagaalka ugu danbeyn uu soo idlaaday kaduib marki ciidamo dheeraad ah oo ka baxay madaxtooyada Jubbalnd ay gaareen ee Kismaayo ay gaareen xarunta nabadsugida ee magaaladaasi ku taala lana yiraahdo FIAT.

Caawa waxaa lagu waramayaa In ay xaaladu tahay mid degan balse ay jirto xiisad ka dhalatay xariga loo geystay askariga xooga lagu furtay , iyo sdioo kale saraakiisha Jubbland oo kulamo kaleh sida lagu furtay askariga u xirnaa.