Somali News

Xasan Sheekh Maxamuud oo war ka soo saaray xayiraada Kismaayo

Muqdisho-KNN-War qoraal ah uu ku daabacay bartiisa Twitter-ka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu uga hadlay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Xasan Sheekh ayaa waxaa uu walaac ka muujiyay habka ay dowladda ula dhaqmayso dadka aadaya Magaalada Kismaayo, isagoona Musiibo weyn ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay hub ahaan ay u adeegsanayso maamulka Hawada Soomaaliya, islamarkaana dad Shacab ah la cunaqabateeyay, isagoona arintaasi wax laga xumaado Ku tilmaamay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Soomaaliya ay muddo 30 sano ah sugeysay inay gacanta ku dhigto maamulka Hawadeeda, islamarkaana hada si qaldan loo maamulayo.

“Waa xaalad murugo leh in dowladdu u isticmaasho maareynta hawada sidii hub siyaasadeed oo saameyn culus ku yeelan kara xasilloonida siyaasadeed iyo midnimada dalka”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.