Somali News

Xasan Sheekh oo dowladda ku eedeeyay caburin Siyaasadeed.

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa si kulul u Eedeeyay dowlada uu madaxweynaha ka yahay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa ku eedeeyay dowlad caburin siyaasadeed iyo dhibaateynta shacabka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dowladda hada jirta ay ku xad gudubto waxa uu ku tilmaamay aragtida xurta ah ee kasoo hor jeeda masuuliyiinta talada dalka haya.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in dalka uu xilligan wajahayo xaalad cabsi ah oo dadka la caburinayo.